Sign in to follow this  
Deeq A.

Armenia iyo Azerbaijan oo heshiis ka gaaray dagaallada gobolka Nagorno-Karabakh

Recommended Posts

Deeq A.   

mMuqdissho (Caasimada Online) – Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa ugu dambeyn heshiis hor-dhac ah ku gaaray magaalada Mascow ee caasimadda wadanka Ruushka, sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Sargey Levarov.

Labada dhinac ayaa yeeshay wada-hadallo qaatay muddo illaa 10-saacadood ah, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirku, waxayna gaareen heshiis xabad-joojin ah, si loo qaboojiyo xiisada ka taagan gobolka lagu muransan-yahay ee Nagorno-Karabakh.

Sidoo kale wada-hadalladan waxaa qeyb ka qaatay hay’adda caalamiga ah ee Laan Qeyrta Cas, sida uu isna shaaciyey diblumaasi sare oo ka tirsan dowladda Ruushka.

Waxa kale oo kulanka dhex-dhexaadinta Armenia iyo Azerbaijan ka qeyb-qaatay Ururka Iskaashiga ee Midowga Yurub iyo labada wasiir ee arrimo dibadeed ee labada dal.

Si kastaba ha’ahaatee dhaqan-gelinta heshiiska xabad joojinta ayaa bilaaban doono maanta oo Sabti ah, 10-ka October ee sanadkaan 2020-ka.

Sidoo kale labada dowladood ayaa is-weydaarsan doono maxaabiistii ay kala qabsadeen intii ay socdeen dadaalladii dhex-maray Armenia iyo Azerbaijan.

Dagaalladii cuslaa ee faraha looga gubtay ee dhex maray dalalka Armenia iyo Azerbijan, islamarkaana billowday 27-kii bishii la soo dhaafay September ayaa waxaa ku dhintay dad gaaray illaa 3000 oo qof, halka kumanaanna kale ay guryahoodii ka barakeceen.

The post Armenia iyo Azerbaijan oo heshiis ka gaaray dagaallada gobolka Nagorno-Karabakh first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this