Deeq A. Posted October 10, 2020 Fanaanadda Xamda Cabdillaahi oo ku magac dheer Xamda yar, ayaa xalay shaacisay in ay si rasmiya uga baxday Fanka, kadib markii ay ka toobad keentay qaadista Heesaha, sida laga soo xigtay barteeda Instagram-ka. Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Instagram, ayay ku sheegtay in ay gebi ahaanba ka baxday Fanka, islamarkaana aysan dib dambe u qaadi doonin Heesihii looga bartay, kadib markii ay ka toobad keentay. “Waxaa ummada Soomaaliyeed iyo asxaabteyda waxaa idinla wadaagaya inaan ka baxay fanki oo aan soo afjarey gaabi ahaantiba” ayay tiri Xamda Yar Sidoo kale, waxay sheegtay in ilaahay ka madoobeeyay Fanka iyo Heesaha, sidaas darteedna ay ku faraxsantahay, Ilaahayna uga mahadcelinayso in uu ka madoobeeyay qaadista Heesaha. “Alxamdullilaaha illahay ayaa mahada iska leh oo iga madoobeyey waana ku faraxsanahay” ayay raacisay Qoraalkeeda. Fannaanad Xamda yar ayaa bishii tagtay ee September Garoowe ku qabatay Caways bandhig faneed ah, waxaana ay halkaas ka qaaday heeso kala duwan. PUNTLAND POST The post Xamda Yar oo sheegtay in ay gebi ahaanba ka baxday Fanka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites