Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dhowaan soo bandhigaysa baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir

Recommended Posts

Deeq A.   
Gujir.jpg?resize=960%2C640&ssl=1Marxuum Gu’jir

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, ayaa shaacisay in ay dhowaan soo bandhigi doonto Natiijada baaritaan lagu sameeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir).

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdi Maxamed, oo wareysi siiyay Telefishinka Dowladda Puntland, ayaa sheegay in uu geba-gabo marayo baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir, islamarkaana ay dhowaan si rasmiya u shaacin doonaan Natiijadiisa.

Sidoo kale, wuxu sheegay in sharciga la marin doono dad ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilkii Marxuumka, kuwaas oo haatan ku jira gacanta Laamaha baarista u qaabilsan Dowladda, kadibna loo gudbin doono hay’adaha Garsoorka.

Marxuum Cabdisalaan Gu’jir, wuxu ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo 29-kii Maarso ee sannadkan 2020 ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dhowaan soo bandhigaysa baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this