Deeq A. Posted October 9, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo Balanbal, taas oo ku taallo xaafadda Guulwade ee magaaladaasi. Ugu yaraan saddex qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhaawacan-tay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaank ah. Sidoo kale waxaa weerarka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo howlgallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyey halkaasi. Maalmihii u dambeeyey waxaa Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo qaraxyo ay dusha u ridatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites