Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo Balanbal, taas oo ku taallo xaafadda Guulwade ee magaaladaasi.

Ugu yaraan saddex qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhaawacan-tay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaank ah.

Sidoo kale waxaa weerarka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo howlgallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey waxaa Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo qaraxyo ay dusha u ridatay Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this