Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war cusub ka soo saartay doorashada Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirada Somaliland oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Shirkan oo ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka (Video-Conference) ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay meel ka dhac iyo gef ku tahay in xubno metalaya lagu doorto magaalada Muqdisho.

“Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland.

Halkan hoose ka aqriso:-

soomaaliland-1 (1)

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this