Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu barta twitter-ka soo dhigay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar. Wax faah-faahin oo intaas dheer lagama bixin geerida Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Cali Khaliif Galaydh uu u geeriyoday xanuun kusoo booday xilii uu joogay magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Soomaalida Ethiopia.

Cali Khaliif Galaydh ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka kadib burburkii, markaasi oo uu magacaabay madaxweynihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Cabdiqaasim Salaad Xasan, sanaddii 2000.

Faah-faahin naga filo dhowaan, Insha Allah.

The post Dr. Cali Khaliif Galaydh oo geeriyooday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this