Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey oo shaacisay doorkeeda doorashada 2020/21, xilli guddi cusub la dhisayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa markii u horeysay sheegtay inaysan marnaba meesha ka bixin shaqadii guddigooda, xili guddi cusub lagu heshiiyay inay ka shaqeeyan doorashooyinka dalka.

Heshiiskii dhawaan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalku ku gaareen Villa Somalia, ayaa lagu go’aamiyey in guddi cusub si wada-jir ah usoo wada dhisaan labada dhinac, kuwaasi oo ka shaqeyn doona nooca doorasho ee lagu heshiiyey.

Xaliimo Yarey ayaa ku doodeysa in shaqadooda ay tahay diiwaan-gelinta Xisbiyada, taasi oo ay ku macneysay inaysan meesha ka saari doonin doorkii ay ku lahaayeen doorashada.

Waxay sheegtay inaysan marnaba shaqadoodu hakad geli doonin, tan keliya ee meesha uga bixi karaana ay tahay hadii uu dalka Millateri la wareego oo wax walba meesha laga saaro.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday in shaqada guddigooda ay tahay sidii dalka ugu diyaarin lahaayeen doorasho qof iyo cod ah, midaasi oo ay sheegtay inay qorshaheed ku jiraan.

Hadalka Xaliimo Yarey ayaa imanaya xili dhawaan heshiiskii doorashada laga gaaray lagu go’aamiyay in lasoo magacaabo guddi cusub oo ka shaqeeya doorashada 2020/21.

Guddigaasi ayaa lagu waday inay gebi ahaanba la wareegan shaqada guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka oo shaqadoodu aheyd diyaarinta doorashooyinka dalka, wallow aan si cad loo sheegin inuu meesha ka baxayo guddigii hore.

The post Xaliimo Yarey oo shaacisay doorkeeda doorashada 2020/21, xilli guddi cusub la dhisayo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this