Sign in to follow this  
Deeq A.

Facebook Oo Masaxay Macluumaad Uu Trump Daabacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Facebook ayaa masaxay farriin madaxweyne Trump uu ku sheegay Covid-19 inuu ka ‘halis yar yahay’ hargabka.

Mr Trump ayaa haatan ku sugan aqalka cad kaddib markii seddex maalmood uu ku jiray cisbitaal oo laga dabiibay faayraska corona ee laga helay.

Wuxuuna farriintiisa uu ku qoray Mareykanka inuu bartay ‘sida loo noolaan karo xilliga hargabka’, sida aan u barannay iney dad badan la noolaadaan Covid-19, maadaamaa ay halistiisu yar tahay!!!”

Twitter-ka ayaa sida oo kale farriintaasi lafteeda qariyey iyada oo sheegtay “iney farriintaasi marin habaabineyso bulshada farriin khaldanna ay gudbineyso”.

“Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay,” ayuu yidhi Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaadhsiinta Facebook.

Tirada rasmiga ah ee xaddiga dhimashada ee Covid-19 lama oga, balse waxaa loo maleynayaa iney aad uga sarreyso noocyada hargabka, suuragalna ay tahay 10 jeer ama ka badan iney ka badan tahay, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins.

Facebook ayaa sheegay madaxweynaha inuu ku xadgudbay sharciga u yaalla baraha bulshada ee ah inaan la soo dhigin farriimo khaldan, baraha bulshadana ay mas’uul ka ahayn waxayaabaha ay bogaggooda soo dhigaan macamiishooda.

Balse shirkaddu wuxuu sharicgu u fasaxayaa iney faraha la gasho “ayna masaxdo ama xayirto”, farriimaha ay u aragto iney xambaarsan yihiin aflagaaddo, xadgudub ama colaad.

Sharcigaasi haddii lagu xadgudbana, baraha bulshada waxay waajihi doonaan dacwado la xidhiidha inay wax ka beddeleen ama isbeddelka ay ku sameeyeen waxa uu qofka isticmaala baraha bulshada uu soo dhigay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this