Deeq A. Posted October 6, 2020 Xildhibaannada golaha Guurtida Somalilanda oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa la horkeenaya xeerka doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan gelinta codbiyayaasha. Kulanka ayaa inta uu kulanku socday waxaa ay dood dheer ka yeesheen xeerka, waxaa goobjoog ahaa fadhiga 53 xildhibaan, golaha ayaana ugu danbeyn cod gacan tag ah ku ansixiyey xeerka doorashooyin. Xeerkaan oo xukuumaddu ay soo gudbisay ayaa waxaa dhowaan waxaa meel mariyey golaha wakiillada Somaliland, maantana waxaa meel mariyey golaha Guurtida, iyadoo la horgeyndoono madaxweyne Biixi si uu u ansixiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites