Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen dad rayid ah oo miino ay kula kacday Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayey miino kula qaraxday inta u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad sida ay sheegayaan wararka halkaas ka imaanaya.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo tabiyay in qaraxa uu sababay khasaaro xoog leh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, walow aan la helin xog rasmi ah oo ku saabsan inta uu la egyahay.

Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah waxaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Muqdisho isla markaana kusii jeeday magaalada Jowhar.

Deegaanada gobolka Shabeelada Hoose waxaa ka socday mudooyinkii ugu dambeeyay baacsi ay ciidamada dowladda ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh kuwaas oo ku xoogan gobolka oo dhan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this