Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo ka soo horjeestay jadwalka doorasho ee lagu dhawaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga soo horjeestay bayaankii ay maanta faafiyeen guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka.

Waare wuxuu soo saaray waraaqad uu ku naqdinaayo go’aankii guddiga farsamada isagoo aaminsan in guddiga uusan wakhtigaan shaqo galin maadaama uu yahay qabyo, isal markaana ay ka maqan tahay qoondada haweenka.

Sidoo kale warqadda kasoo baxday madaxweynaha waxaa lagu sheegay dhawr caqabad oo ku horgudban shaqada guddiga, waxaana ka mid ah ineysan jirin awood siin iyo tababar loo sameeyay guddiga, sidoo kalana ay qiimeyn u baahan tahay marxaladda guud ee Hirshabelle iyo in laga jawaabo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar

Si kastaba qoraalka lasoo saaray oo ka kooban laba warqadood ayaa la baahiyay, waxaana ugu dambeyntii lagu sheegay in jadwalka maanta lasoo saaray uu ahaa mid aan laga tashan isla markaana aan ka turjumi karin xaqiiqda Hirshabelle.

HALKAAN KA AKHRISO WARQADDA KASOO BAXDAY MADAXWEYNAHA:

Hirshabelle.jpgHIrshabelle-1.jpg

The post Madaxweyne Waare oo ka soo horjeestay jadwalka doorasho ee lagu dhawaaqay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this