Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Ujeedka Safarka uu Madaxweyne Deni u tagay Dalka Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ku sugan magaalada Dubai  wadanka Imaaraadka carabta ayaa lagu wadaa inuu  kullamo la qaato mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda DP-World, oo gacanta ku haysa dekadda magaalada Bosaso ee gobolka Beri.

Wararka ayaa intaas ku daraya in inta uu ku sugan yahay  Dubai uu  mas’uuliyiinta shirkadda kala hadli doona  arrimaha dekadda magaalada Bosaso, taas oo muddooyinkii dambe ay maamulaysay DP-word, waxaana weli aan la fulin mashruucii lagu ballaarinaayey dekadda.

Shikadda ayaa hakisay mashuucii lagu dhisaayey dekadda, kadib khilaaf soo kala dhex galay shirkadda iyo dowaldda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jirto in sanadkii tagay shaqaale ka tirsan shirkadda DP-WORLD lagu dilay magaalada Bosaso, imaaraadka ayaana Puntland ka taageero dhinacyo badan oo dhismaha ciidanka daraawiishta uu ku jiro.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this