Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladdii aannu rabnay sow tan!

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20201005-WA0004.jpg?resize=600%2C388

Burburkii kadib, waxa aynu u kala yaacnay deegaannadii qabiilladayadu ka soo jeedeen, waxa aannu bidnay dan, xaalkeennuna waxa uu noqday “Lama huraan waa cawska jiilaal”. Muddo xoogaa ah kadib, innagii oo la dikaamayna nabarkii qaran jabka ayeynu isniri “dowladnimo maynu dhisanno”? Eeg hadda! Wali nabarradii colaadda sokeeye ayaan weli bogsoonin; garaadkayagu inuu shaqeeyo waxaa ka weynaa wixii aannu markaa dareemaynay.

Dowladnimo dad buka ay dhisanayaan, waad iska garan kartaa nin walba waxa ku weyne, nidaam eex bartanka loo dhigay, qabyaaladna lagu aslay baynu taag-taagnay. Lagu soo moodyoo, waxa ay tukubtaba waa iyadan heerkaa ay maantay marayso soo gaadhay. Eeg, waxba isma bedelin, dadka maanta dalka wadaaga, waxa ay u dhaqmayaan sida kuwo markaa xabbad joojin loo sameeyey, maba aha qolo muddo wax u soo dhisnaayeen ee waa sida jabhado markaa wax afgambiyey oo xeer hoosaad yar dhigtay, qolo walbana dhufays dabada kula jirto.

Haddaba intii ay wax amaamudnaayeen, maxaa la qabsaday?

Waxba dee! Sidaa ay iminka tahay bay inoogu badisaa — haye, cidna weyso uma dhowrna. Afka un baan ka sheegannaa in aannu dowladnimo micna leh rabnee, marka siyaasadda hoos loo dhigo — heer jifiyeed — su’aalaha iyo fikradaha la isdhaafsanayo waxaa ka mid ah: “markan tolka ma laftayada hoosaa leh? Isinkayagu waa nagu jiifsaday tii hore, oday yar ma caleema-saarnaa? Waa markeennii oo dalka innagaa xukunna, mashaariicda ii saxiix, madaxweynaha ii gee”. Dhanka kale, marka aan sharciga jabiyana, yaa dowladda inoogu jira? Intaas uun weeye wixii aynu qabsannay, waa nidaam yar oo kabuubyo ah, burburkii aan ku illownay, gurracnaan dowladnimana noo horseedday.

Yaa eedda leh?

Dee cidna! Ma odayga beesha ayeynu eedeyn karnaa? Sowtii aannu si tolnimo leh ugu caano-shubnay. Markii xilalka la doonayeyna, waa innagii u guurguurannaye, odaygu waa ceeb-laawe. Aayar! Aayar! Ma xildhibaanka ayaa kuu muuqday? Waar ninkaanu isinkana wuu ka dambeeyaa, beeshana meesha ayuu u joogaa oo wixii dowladda inaga gala isagaa inoo soo dhiciya ee afka ka du. Caga-dhigo! Madaxweynuhu waa muqaddas, waana lama taabtaan, doorashadii xildhibaanka si fiican buu u soo saaray, deegaankayagana mashaariic buu u ballanqaaday ololihii, isinkana waa la saaxiib, wax la mid ah lama arag oo kanu waaba laylatul-khadarkii oo qof laga soo dhigay.

Intaa kadib, dowladnimadayadu eed ma laha, waa tii aannu doonaynay, qolo walbana sidan ayey raalli ku tahay. Haddii aad i leedahay “Waa beentaa”, anna waxa aan ku leeyahay “Igu caddee!”.

W.Q. Cabdullaahi Bootaan

The post Dowladdii aannu rabnay sow tan! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this