Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo ballan qaaday inay sii xoojineyso taageerada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Qatar ayaa ka hadashay weerar is-miidaamin ah oo dhowaan lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida oo ku taalla M/ Muqdisho.

Qoraal ah ka soo baxay wasaaradaha arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi oo la sheegay inay fulisay qof dumar ah oo soo xiratay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladda Qatar ay ka xun-tahay falkaasi qaraxa ah oo sababay dhimashada labo askari iyo dhaawaca dad kale oo shacab ah.

Qatar ayaa hoosta ka xariiqday in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana ay ka caawin doonto dhinaca ammaanka

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka si weyn u taageera Soomaaliya, iyadoo hore mashaariic ay ku baxday malaayiin Dollar ugu fulisay Soomaaliya qaarkoodna ay weli socdaan

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this