Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo Booqasho Ku Tagay Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhawayd gaadhay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Asmara si diiran ugu soo dhoweeyey dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Booqashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa qaadan doonto muddo laba cisho ah, sida ay xaqiijisay xukuumadda Asmara.

Sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, iyagoo ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhkaa Eritrea iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta aanu gaadhin Asmara ka soo amba-baxay magaalada Jubba ee caasimadda Suudaanta Koonfureed, halkaas oo uga qeyb-galay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska Suudaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this