Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in AMISOM ay ka soo baxday deegaano ka tirsan Sh/Hoose?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha, Mudane Muxyadiin Cabdi Faarax oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyey in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay isaga soo baxeen deegaanada Ceelasha Biyaha, Carbiska iyo Calamada ee gobolka Sh/Hoose.

Muxyadiin Cabdi Faarax ayaa sheegay in isagu uu kormeer ku tegay deegaanadaasi, islamarkaana ay yihiin wararka lagu baahiyey baraha bulshada kuwa been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaanadaasi ka wadaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa u digay dad uu sheegay inay faafinayaan warar liddi ku ah amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this