Deeq A. Posted October 4, 2020 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eritrea, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Madaxweyne Farmaajo, oo ka soo laabtay dalka Suudaan, kadib markii uu ka qayb-galay munaasabad ay Dowladda Suudaan Heshiis nabadeed kula galaysay jabhado ka horjeeda, ayaa uga sii gudbay Waddanka Eritrea. Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa xarunta Madaxtooyada magaalada Asmara ku qaabilay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana sida qorshaysan labada madaxweyne ka wada-hadli doonaan horumarinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale Arrimaha Gobolka. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea, ayaa ku soo beegmatay xilli Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Khayre uu maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu ka bilaabayo ololihiisa Doorashada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Eritrea appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites