Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah ee maamulka Jubbaland.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu tuuray maqaaxi ku taalla xaafadda Kuba ee magaaladaasi, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah.

Inta la xaqiijiyey illaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii sugnaa maqaayadda la weeraray.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay goobta tageen goor dambe, islamarkaana ay sameeyeen howlgallo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Maalmihii u dambeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this