Deeq A. Posted October 3, 2020 Wararka laga helayo Gedo ayaa sheegaya in xalay saqdhe dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta Midowga Africa ay ku leeyihiin deegmada Baardheere ee gobolkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Baardheere oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada milatariga Itoobiya. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray howl-gallo ka bilaabay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites