Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Arrin uu walaac ka qabay Deni oo meesha ka baxay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa ka hadlay hehsiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka & jadwalka ay sida wada-jirka ah u soo saareen, kaasi oo cadeynaya xilliga ay dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka labada Aqal, guddoonka baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu meesha ka baxay wal-wal badan oo ay ka qabeen arrimaha doorashooyinka, kaasi oo ku qotomay in doorashadu ay xiligeeda daba marto.

Deni ayaa sheegay in doorashadu ay xiligeeda ku qabsoomeyso, isla markaana ay dhinacooda ka shaqeynayaan, sidii ay si nabad ah oo xasilooni ah loogu dareeri lahaa doorashada 2020/21.

Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay inay degenaanta iyo nabada ay ku naaloonayaan ay ku faro adeygaan, xili uu maanta safar uga amba-baxayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ugu dambeyntiin waxa uu madaxweynuhu soo jeediyay in la ilaashado dowladnimada Soomaaliya, iyada oo laga wada shaqeynayo amniga iyo xasiloonida dalka.

The post 'Arrin uu walaac ka qabay Deni oo meesha ka baxay' first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this