Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo gaadiid xamuul ah ku gubay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo baabuur oo ah kuwa xamuulka ayaa xalay lagu gubay gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay wadada u galeen kooxo hubeysan.

Gawaarida la gubay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah uu waday dhuxul, halka kan kale uu faaruuq ahaa, sida ay innoo sheegeen ilo dad deegaanka ah. oo ku sugan duleedka deegaanka Yaaq-bariweyne oo uu falkaasi ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale jirdil xoogan loo geystay darawalladii la socday gawaarida dabka la qabadsiiyey.

Sidoo kale waxa ay wararku intaasi ku darayaan in ragga ka dambeeyey dhacdadaasi ay ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee ma’an markii ugu horreysay oo gaadiid dhuxul sida lagu gubo gobolka Shabeelaha Hoose oo ay si aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

The post Kooxo hubeysan oo gaadiid xamuul ah ku gubay gobolka Sh/Hoose first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this