Deeq A. Posted October 3, 2020 Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa shaaciyay in Madaxweyne Donald Trump loo qaaday isbitaalka Militari oo ku yaalla gobolka Maryland ee duleedka Washington, kadib markii uu shalay sheegay in laga helay xanuunka Covid-19. Xoghayaha Warbaahinta Aqalka Cad ee Maraykanka, Kayleigh McEnany, ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Trump loo qaaday isbitaalka Militariga ee Walter Reed, oo ku yaalla magaalada Bethesda ee Gobolka Maryland, si loola tacaalo xaaladdiisa Caafimaad. Madaxweyne Donald Trump, ayaa maalmaha soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka, halkaas oo lagu daryeeli doono xaaladdiisa, sida ay sheegtay Xoghaye McEnany. Mr Trump, ayaa Jimcihii Shalay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in xanuunka Covid-19 laga helay isaga iyo xaaskiisa Melania Trump, islamarkaana ay ku jiraan xaalad karantiil ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo loo qaaday Isbitaal Militari appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites