Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo xoogan oo ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi

Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay deegaano ay ku sugnaayeen dad reer mii ah, islamarkaana u badan xoolo dhaqaqto.

Deegaanada ay sida gaarka ah diyaaradaha Kenya ay u beegsadeen ayaa waxaa ka mid ah Cows Qurun, Garsaal, Xisaguur iyo Likooley oo dhammaan hoostaga Ceelwaaq.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkaasi ay diyaaradaha Kenya ku laayeen xoolo u badan Geel oo ay lahaayeen dadka ku dhaqan deegaanada la duqeeyey.

Ciidamada Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dhibaatooyin xoogan iyo duqeymo ka geysanayey koofurta Soomaaliya, siiba degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this