Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye Caan ka ah Geyiga Somalida oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Weriye Cabdulqaadir Mursal oo ku geeriyooday Mareykanka
mursal-300x267.jpg

Waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcaddaa saxaafadeed, sida ay BBC-da u xaqiijisay gabadhiisa.

Mursal ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay dalkaas. Gabadhiisa ayaa sheegtay in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku dhacay balse uu ka bogsaday, hase yeeshee uu saameyn ku reebay.

Wuxuu Mursal in muddo ah ku noolaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo sanadkii 2014 u wareegay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka aasaasay idaacadda KALY, Codka Soomaalida Mareykanka oo uu markii ugu dambeysay madax ka ahaa.

Wuxuu sidoo kale soo noqday agaasimihii Radio Muqdisho, tifaftirihii Radio IRIN ee markii dambe loo beddelay Radio Ergo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this