Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Mar Kale Weerar Afka Ah Ku Qaaday Ilhaan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo laba sanno ah.

“Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan akhrinayay warbixinnadeeda muddo laba sanno ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inooga sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow”

Dhanka kale, Trump wuxuu musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ku eedeeyay in gobolka Minnesota uu doonayo in uu ka dhigo xero qaxooti.

Wuxuu sidoo kale sheegay ‘in Biden uu doonayo in uu meesha ka saaro xayiraadda dhanka safarka ah ee lagu soo rogay muwaadiniinta dalalka ay taagan yihiin dagaallada’

“Boqolkiiba toddbaadtan korodh ah dad qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka ugu khatar badan adduunka oo ay ka mid yihiin Yemen, Suuriya , Soomaaliya. Biden waxa uu u beddeli doonaa Minnesota xero qaxooti oo dugsiyada iyo cisbitaallada cidhiidhi yihiin” ayuu yidhi Trump.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa in muddo ah kaddib booqasho ku tagay gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka taas oo qeyb ka ah ololahiisa doorasho kaddib dooddii kululeyd ee shalay dhex martay isaga iyo musharaxa xisbiga dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Joe Biden.

Is-qabqabsiga u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid soo socday, waxayn isku qaadayeem weerar afka ah.

Ms Ilhan waxay ku guulleysatay kursiga gobolka Minnesota ee aqalka Cad bishii November, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka koongareeska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto koongareeska iyadoo xidhan xijaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this