Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Galmudug oo ballan qaad u sameysay ganacsatada Samareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo kormeer ku tegay Xarumihii ganacsi ee ku gubtay Dabkii maanta ka kacay Magaalada Dhusamareeb.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa u tacsiyay isla markaana xanuunka la qeybsday ganacsatadii ku hantibeeshay khasaarihii ka dhashay dabkaas isagoona u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba.

Cali Ciid ayaa ballanqaaday in dowlada Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqyso Guddiga ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dabdamis ay magaaladu leedahay.

Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaagaan u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay.

Kormeerkan Waxa MW Ku xigeenka ku Weheliyay Wasiirka wasaaradda Cadaalada Iyo Arrimaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada iyo Wasiir kuxigeenka Shaqada & Arimaha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda.

120539922_3346795665357438_1731923668536 120427524_3346795775357427_1543504835462 120507514_3346795995357405_6079830535861 120384634_3346796108690727_5439103688665

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this