Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilkii Somaliga ahaa ee Diyaarada Sameeyay oo la gudoonsiiyey Diyaarad yar 2 cisho ka dibna  Buhoodle  algu soo celin doono.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Wiilkii Somaliga ahaa ee Diyaarada Sameeyay oo la gudoonsiiyey Diyaarad yar 2 cisho ka dibna  Buhoodle  algu soo celin doono.

 turkey.png

 

Warbixinta Wiilka oo faahfaahsan

Guuleed Aadan Abdi iyo Hooyadii Maryan si fiican baa Turkey loogu soo dhoweeyey.Turkey waxay ku yimaaddeen martiqaad rasmi ah oo ku marti qaaday Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalkan Turkey HE Mevlüt Çavuşoğlu. Shalay oo Axad ahayd Guuleed iyo hooyadii waxay magaalada Gaziantep kaga qayb galeen bandhig ama dabbaaldeg weyn oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka diyaaradaha noocyada kala duwan ee Turkey samayso oo sanadkiiba mar la qabto.Gaziantep waxaa ku soo dhoweeyey Selçuk Bayraktar oo ah ninka sameeya diyaaradaha iswada ee Drones ka wuxuuna Guuleed siiyey hadiyad Drone yar ah.

Maanta oo Isniin ahaydna waxaa Ankara xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkey oo waqti fiican siiyey Guuleed iyo hooyo Maryan.Wasiirku wuxuu hadiyad u siiyey diyaarad yar oo drone ah oo ah nooc uu ku tababaran karo.Safaarad ahaan maanta waxaanu fursad u helnay in aanu qado sharaf u samayno Guuleed iyo hooyadii.

Guuleed berri waxaa u bilaamaya tabobar kooban oo labo maalmood socon doona. Ka dib dalkii bay ku noqonayaan, waxayna dalkan ku soo noqon doonaan muddo yar ka dib.

Screen-Shot-2020-09-28-at-8.32.27-PM-300Screen-Shot-2020-09-28-at-8.32.19-PM-300Screen-Shot-2020-09-28-at-8.32.10-PM-300Screen-Shot-2020-09-28-at-8.32.03-PM-300Screen-Shot-2020-09-28-at-8.31.55-PM-300

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this