Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay is-afgaradka ay doorashada ka gaareen Mareykanka iyo Rooble?

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay kulan dhex-maray Danjire Donald Yamamoto iyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu horreyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Ra’iisul wasaaraha cusub oo shalay si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan u hambalyeeyo Maxamed Xuseen Rooble markii loo xaqiijiyey inuu yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaasi ku sii daray, “Waxaan maanta isku afgaranay ra’iisul wasaaraha ahmiyada ay leedahay in waqtigeeda lagu fuliyo heshiiskii doorashada, maamul wanaagga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga.”

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo dowladda federaalka ka taageero dhinacyo dhowr ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this