Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada BF oo bilaabay ka doodista heshiiska doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goor dhow xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shaqeyaan xildhibaanada Golaha shacabka ka furmay kulan wadajir ah oo ay leeyihiin labada Gole ee BF Somalia.

Kulanka oo ah mid xasaasi ayaa waxaa looga doodayaa heshiiska doorashooyinka ee ay dhowaan gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaanada ayaa ansixin doono heshiiskan ama laali doono, marka ay soo dhammaato dooda haatan socota.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa furay kulanka, iyada oo ay marka hore xidhibaanadu cambaareeyeen falkii dhowaan afarta qof ee shacabka ahaa ay ku dileen ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

Intaasi kadib labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ayaa guda-galay ka doodista heshiiska doorasho ee dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this