Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhoweeyey Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmadda iyo Xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug.

Socdaalkan waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

Madaxweynaha oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoona ku tilmaamay cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirageliyay iney ka qeybqaataan dib heshiisiinta bulshada, isagoona reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan nabadda iyo wada-noolaashiyaha sidii looga bartay.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib u heshiisiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2020-09-26-at-17.01.41.jp WhatsApp-Image-2020-09-26-at-17.01.42.jp WhatsApp-Image-2020-09-26-at-17.01.43-1. WhatsApp-Image-2020-09-26-at-17.01.43.jp

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this