Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqoradda Ingiriiska oo Bilad ay guddoonsiisay ka ceshatay nin sumcad usoo jiiday dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqoradda Ingriiska oo bilad ay guddoonsiisay ka ceshatay nin sumcad usoo jiiday dalkeeda

queneliz1-1024x715.jpg

Boqoradda dalka Ingriiska Queen Elizabeth ayaa biladda Commander of the Order of the British Empire (CBE) ka ceshatay film-sameeyaha lagu magacaabo Harvey Weinstein kaas oo dhawaan dalkaasi Mareykanka lagu xukumay dambiyo kufsi.

Sannadkii 2004-tii ayaa ninkani la siiyay biladdaasi oo la guddoonsiiyo dadka waxgalka ee sumcadda usoo jiiday Ingriiska.

Boqoradda ayaa sidoo kale amartay in magaca ninkaasi laga masaxo buugga biladdaasi.

Weinstein ayaa dhawaan maxkamad ku taal Mareykanka waxa ay ku xukuntay 23 sano oo xabsi ah kuwaas oo ciqaab u ah kufsi uu u geystay haween kala shaqeynayay sameynta aflaamta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this