Deeq A. Posted September 24, 2020 Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn Ra’iisul wasaaruhu guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad uga mahadceliyey ansixintiisii shalay. Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen xukuumadda uu soo dhisi doono iyo baaralamaanka Soomaaliya. “Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Cusub. Rooble ayaa looga fadhiyaa inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada oo la horgeyn doono xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites