Sign in to follow this  
Deeq A.

SAWIRRO: Muxuu Ra’iisul Wasaarah cusub kala hadlay guddoonka BF Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay gudddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Ugu horreyn Rooble ayaa guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyey codka kalsoonida ah ee ay shalay siiyeen xildhibaanada golahaasi.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen.

“Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.”ayuu yiri  war qoraal ah oo ka soo baxaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay shalay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen golaha shacabka ayaa shaqada ugu horreysa ee u taalla waxa ay tahay inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada, si uu u horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble oo heysta muddo kooban ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu muhiimsan-tahay fulinta heshiiskii laga gaaray doorashada soo socota ee 2020/21.

120127861_932093617279703_63479321645670 119928267_932086997280365_38059198113536 119989921_932086963947035_63189102696207 120073559_932086923947039_45620610677950

 

 

The post SAWIRRO: Muxuu Ra'iisul Wasaarah cusub kala hadlay guddoonka BF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this