Deeq A. Posted September 23, 2020 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan iyoqeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee magaalada Baydhabo. Deni iyo Laftagareen ayaa soo dhaweynta kadib sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ka dhaxeeyo xariir siyaaadeed oo soo jireen ah, haddana la rabo in kor loo qaado. PUNTLAND POST The post Deni oo ka degay Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites