Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ka degay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16008722891294217.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee magaalada Baydhabo.

Deni iyo Laftagareen ayaa soo dhaweynta kadib sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ka dhaxeeyo xariir siyaaadeed oo soo jireen ah, haddana la rabo in kor loo qaado.

PUNTLAND POST

The post Deni oo ka degay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this