Sign in to follow this  
Deeq A.

BF oo codka kalsoonida siiyey Ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku meel mariyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu horreyn Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey kulanka ayaa ka dalbaday xildhibaanada Soomaaliyeed in codka kalsoonida ah ay siiyaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kadib waxaa la guda galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo isna hadal hadal kooban ka jeediyey munaasabadda, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qaban doono amniga doorashada iyo dhaqaalaha, isagoona kadib ka codsaday inay codka siiyaan.

Intaasi kadib waxaa bilaabatay codeynta oo aheyd mid gacan taag ah, waxaana Ra’iisul wasaaraha codka siiyey dhammaan xildhibaanada fadhiga soo xaadiray oo gaarayey illaa 215 mudane, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha BF Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xil-kiisa loo dhaariyey, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this