Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo dalab u gudbiyey guddoonka labada Aqal ee BF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan wadajir ah la qaatay Madaxda maamulada dalka, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay mas’uuliyiintaas muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Madaxda ayaa sidoo kale ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa isaguna  tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka heshiiska doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

“Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay guddoonka baarlamaaka inay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa dhawaan heshiis kama dambeys ah ka gaaray khilaafkii ka taagna doorashada, kaasi oo muddooyinkii dambe horseeday jahwareer siyaasadeed oo hor leh.

Heshiiska ay madaxdu ku gaareen Muqdisho ayaa la horgeyn doona xildhibaanada golaha shacabka oo uu hore u sheegay Farmaajo inuu ku celin doono heshiis kasta oo laga gaaro doorashada.

Waxaana taagan dood ay xildhibaanada qaar ka qabaan heshiiskaasi, kuwaasi oo walaac xoogan ka muujiyay qoddobada ay sida wada-jirka looga soo saaray shirkii Muqdisho, halka guddoonka golaha iyo xildhibaano taabacsan ay u sacaba tumeen heshiiskaasi.

Farmaajo-4.jpg 6_56A7663.jpg 4_56A7643.jpg 3_56A7683.jpg Madaxda-Soomaalida.jpg Guddoonka.jpg 56A7686.jpg Farmaajo-iyo-madax-goboleedyada.jpg 56A7704.jpg 56A7669.jpg 56A7693.jpg 56A7653.jpg Farmaajo-1-1.jpg Madax-goboleedyada.jpg Madaxda-Soomaalida-2.jpg

The post Madaxweyne Farmaajo oo dalab u gudbiyey guddoonka labada Aqal ee BF + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this