Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo culus oo ka dhacay Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Jubaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow.

Dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa lagu soo warramayaa in ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga  Qoonaani, balse ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Jubaland, oo ay weheliyaan Ciidamada Kenya.

Dhawaqa Hubka culus, ayaa laga maqlay Degaanka, waxaana la sheegay in dagaal xooggan dhexmaray labada dhinac, kaas oo Al-shabaab ku khasbay in ay dib uga laabtaan Saldhiga.

Waxaanse weli faahfaahin sugan laga helin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo culus oo ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this