Deeq A. Posted September 19, 2020 (SLT-Chicago)-Dowladda Mareykanka ayaa dalkeeda ka mustaafurisay nin Soomaali ah oo hore loogu xukumay eedeymo la xidhiidha inuu taageero u fidiyay Al-Shabaab. Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 jir ah ayaa laga soo mustaafuriyay magaalada Chicago, iyadoo lagaga soo qaaday diyaarad ay leedahay ICE Air Charter ee Laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka. War saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Socdaalka ayaa lagu sheegay in amarka mustaafurinta laga soo saaray Xafiiska Fulinta magaalada Chicago. Ninkkan Soomaaliga ah ee laga soo mustaafuriyay ayaa loo gacan geliyay dowladda Soomaaliya. “Saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (ICE) ayaa nin Soomaali ah kaxeeyey khamiistii, kaas oo lagu xukumay sannadkii 2016-kii maxkamada degmada ee Mareykanka in uu gargaar u fidiyay urur argagixiso” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Waaxda Socdaalka Laga soo bilaabo April 2008 ilaa Agosto 2012, Xaashi wuxuu ka mid ahaa Al-Shabaabka Soomaaliya. Sanadkii 2012, waxaa loo soo gacan geliyay Mareykanka si uu ula kulmo dacwad oogista federaalka ee Bariga Degmada New York. Xaashi wuxuu qirtay dambiga ah inuu taageero maadi ah siiyay Al-Shabab, 29-kii Janaayo 2016, waxaa lagu xukumay sagaal sanno oo xadhig ah. Source Share this post Link to post Share on other sites