Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo shaaciyey sababta uu uga tanaaslay doorasho qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay inuu tanaasulay kadib markii dowlad goboleedyada ay ku goodiyeen inay doorashada qaadacaan oo dalku kala tagayo, taasi oo keeni lahayd in shisheeye soo faro-geliyo.

“Waxaa ku tanaasulay markii ay gaartay meesha ugu dambeysay oo ah in la kala tago oo dadka rajo xumo la geliyo. Waxaa isoo baxday labo inaan kala doorto, oo ah in dalku kala tago oo wadajirkeena lumo anoo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah, iyo inaan dalka isku hayo oo aanu kala tagin, oo aanu shisheeye na soo faragelin, taas ayaa keentay inaan qaato tanaasul iyo waxeena ha xumaado ha samaato aan gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda qaadano, laakiin shisheeye aanu marna na soo dhex gelin,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

2222-300x200.jpg aaaa-1-300x200.jpg cdss-300x220.jpg cxssss-300x200.jpg ddddd-300x200.jpg deeee-300x199.jpg eeee-300x207.jpg eeeee-300x200.jpg ewww-300x209.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this