Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo marayey wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho & Afgooye.

Sidoo kale qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ugu yaraan 1 askari, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa waddada.

Inta badan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ayaa weeraro qaraxyo iyo kuwa dhaba-gal ah Al-Shabaab kala kulma xilliyada ay isaga kala gooshayaan K/ iyo bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this