Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta int.Airport

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta int.Airport

Laba nin oo Soomaali ah oo kiis halis ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta

 Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, kuwaasi oo si sharci darro ah u dhoofinayey qaad.

Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa ku warameysa in labadaasi nin ay u qabteen saraakiisha garoonkaasi, kadib markii ay shandadahooda ka dhex heleen 25-Kg oo iskugu jira qaad cusub iyo midka nooca loo yaqaano Miirooga.

Labadan nin oo magacdooda lagu kala sheegay Barre Aadam iyo Cismaan Maxamed ayaa waxay saraakiisha amnigu ku xireen xili ay ka dhoofi rabeen garoonka Jomo Kenyatta.

Barre Aadam ayaa waxa lagu qabtay 20-kg oo ah qaadka nooca loo yaqaano miiroga, kaasi oo uu ku dhex qariyay labo shandadood oo uu watay, sida ay baahisay laanta dambi baarista Kenya.

Sidoo kale Cismaan Maxamed ayaa isagana waxay laamaha amnigu ku qabteen 5-kg oo ah qaad markaas un lasoo gooyay, kaasi oo uu si sharci darro ah u qarinayey.

“Labo ajnabi ah oo isu diyaarinayay inay dalka ka dhoofaan; Barre Adam & Osman Mohamed waxaa ku xiray JKIA saraakiisha sharci fulinta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay agaasinka laanta dambi baarista.

Waxa sidoo kale qoraalkaasi lagu yiri “Barre ayaa loo qabtay inuu ku dhex qariyey labadiisa shandadood 20 Kgs oo ah Qaad khafiif ah (Miraa) halka Cismaan uu qariyey 5 Kg oo Qaad cuseyb ah”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this