Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Khayre oo shaaciyey inuu yahay musharrax Madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii la riday ee xukuumaddii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax madaxweyne doorashada 2020/21.

Khare oo war qoraal ah soo saaray ayaa marka hore uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna sheegay in dadka iyo dalka uu ugu adeegi doono si hufnaan leh.

Halkan hoose ka aqriso:-:

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this