Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo war ka soo saaray dilkii Xamdi Maxamed Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey kiiska gabar shalay dil iyo kufsi loogu geystay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi loo xiray illaa afar qof oo la tuhmayo, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Marxumad #Xamdi #Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay #Ceelbur dagan Degmada #Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.

Meesha uu Kiisku marayo.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurinta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this