Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaaliyaha qaranka oo shir ka daah-furay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay kulan ballaaran oo ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo looga hadlayo ka hortagga tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laga wada-hadli doono sharciga ka hortagga tacaddiyada jinsiga ee dumar loo geysto, siiba warqada caafimaad ee loogu tala-galay in loo adeegsado baarista tacadiyada, si ay cadaalad u helaan dhibanayaasha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la’iska kaashado ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto dadka nugul, gaar ahaan dumarka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay dalka soo badanayeen tacaddiyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan falalka Kusfiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this