Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada  Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ciidamada hunwanta ayaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe ay dib uga soo baxeen deegaankaasi oo dhowaan ay la wareegeen.

Al-Shabaab ayaa tiro laba jeer ah weeraray Janaay Cabdalle inta ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda maaanta laga dareemayaa  duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this