Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND: Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada Oo Musuq-Maasuq Loo Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay laamana dawladda ee gobolka Togdheer waxanay xabsiga u taxabeen laba qof oo ka mid ah hawl-wadeenada wasaaradda Maaliyada kuwaasi oo ay ku eedeyeen Musuq-maasuq ,

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Qaranka ,Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa telefashanka maxliga ah ee HCTV u xaqiijiyey in ay xidheen laba qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Maaliyada , waxanu yidhi “shalay waxanu laba xubnood ka xidhnay shaqaalaha wasaaradda Maaliyada gaar ahaan qaybta kastamka ,kuwaasi oo aanu soo eedaynay , waxana loo gudbiyey Maxkamada.“

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Qaranka ,Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa sheegay in ay weli baadhis ku hayaan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada ,Caafimaadka, Dawladda Hoose , Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco , waxaanu xusay in baadhitaanka ay wadaan aanu weli usoo dhammaan “ Baadhista arrintan weli noomay dhammaan waxaanu rabnaa in aanu gungaadhkii soo samayno “ ayuu yidhi

Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa baadhis ka wadda laamaha dawladda ee gobollada Dalka .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this