Deeq A. Posted September 9, 2020 Madaxweyne u baroortay kalluun bakhtiyey Ardayda qaarkood ayaa rumaysnaa in kaluunkani nasiib wacan u horseedi jiray Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa shacabka dalkiisa kala qayb qaatay baroor diiqda kaluun dhintay oo ku jiri jiray haro ay leedahay jaamacadda labaad ee dalkaa ugu weyn. Ardayda Jaamacadda Copperbelt (CBU) ayaa shamacyo ka shiday goonyahay jaamacadda oo ay ku muujinayaan murugada ay ku yeelatay dhimashada kaluunkaa weynaa. Waxa aad ugu faafay bogagga baraha bulshada ee dalkaas hal hayska #Mafishi, kaas oo ah magacii sida kalgacalka leh loogu yeedhi jiray kaluunkaas. Labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa ardayda jaamacadda CBU rumaysnaayeen in kaluunkaasi nasiib wacan ugu horseedi jiray marka imtixaannada la gaadho. Mafishi oo macnaheedu ku yahay “kalluun weyn” afka Bemba, ayaa la rumaysan yahay in uu jiray 22 sanadood oo uu ku jiray harada jaamacaddaas muddo 20 sano ah, sidaana waxa sheegay Lawrence Kasonde oo ah gudoomiyaha ururka ardayda. Waxaanu intaa ku daray in dhimashada kalluunkaa la baadhayo sababteeda, “Weli lama xabaalin, waxaanu doonaynaa in aanu raqdiisa kiimikooyin marino si aanu u qudhmin” ayuu yidhi Kasonde oo BBC-da la hadlay. Weriyaha BBC-da uga soo waramay Zambia, Kennedy Gondwe, ayaa sheegay in ardayda qaarkood ay qurbaan u geyn jireen kaluunkaa intaanay imtixaannadu bilaabin oo waxay rumaysnaayeen in uu nasiib wacan u horseedi karo halka kuwo kalena u arki jireen inuu diiqadda ka biiyo. Edwin Nambo oo ku jira sannadka labaad ee jaamacadda ayaa ku tilmaamay kaluunkaa “calaamad gaara oo jaamacaddu lahayd”. “Daawashadiisa oo kaliya markuu biyaha dhex dabbaalanayo ayaa ardayda niyada u dejin jirtay intaanay imtixaanka gelin iyo sidoo kale mararka duruufaha adagi haystaan” ayuu intaa ku daray. Madaxweyne Lungu, ayaa fariintii baroor diiqda ahayd ee uu diray ku soo hal qabsaday hogaamiyihii xornimo u dirirka India ee Mahatma Gandhi oo wuxu qoraal uu Facebook ku faafiyey ku yidhi “Milgaha qaran iyo koboca akhlaaqda dalkiisa waxa lagu qiyaasaa sida xawayaanka dalkaas loola dhaqmo”. “Waan ku faraxsanahay in si fiican loogu damqaday, waanan tebi doonnaa” ayuu yidhi. Hogaamiyaha mucaaradka, Hakainde Hichilema, ayaa yidhi “Waan la dareemaynaa ardayda jaamacadda CBU kuwii hore iyo kuwa haatan dhigtaba dhimashada kaluunkii caanka haa ee Mafishi”. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites