Deeq A. Posted September 5, 2020 Orodyahanka soomaaliga ah ee u orda dalka Ingriiska Mo Farah ayaa shalay oo jimce ah ahayd dhigay rikoodh cusub kadib markii uu ka qeyb-galay tartan orod oo lagu qabtay caasimadda dalka Biljum-ka ee Brussels. Mo Farah oo 37 jir ah ayaa saacad gudeheed ku cararay 21.330 oo mitir, waxaana ay arintaasi u saamaxday in uu dhigo rikoodh cusub. ” – Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta dhigay rikoodh cusub”, ayuu warbaahinta ki yidhi MoFarah kadib tartanka. Farah ayaa orodkaas oo dhan waxaa uu la ordayay soomaali kale oo lagu magacaabo Bashir Abdi kaas oo u ordayay dalka Biljum-ka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites